3090 Views

R/Wasaare Khayre oo safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya

R/Wasaare Khayre oo safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 12, 2017——Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa Goor dhow ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde, waxaana uu ka qeyb galaya Shirka IGAD ee ka furmaya Magaalada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Safarkiisa waxaa ku wehlinaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka baaqday Shirka ee IGAD ee maanta ka furmaya dalka Itoobiya ee looga hadlaayo Xaaladda Suudaanta Koonfureed.

Waa Safarkii labaad ee uu dalka kaga baxo , Ra’iisul Wasaare Xasan cali Kherye, waxaana Safarkii ugu horeeyay uu ku tagay dalka Qatar.

Shirka uu Maanta ka qeyb galaayo ayaa horay waxaa u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in xaalad adag ay ka jirto Suudaanta Koonfureed.

Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | MuqdishO 

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment