2703 Views

Shir Looga Hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka Oo Ka Furmay Muqdisho

Shir Looga Hadlayo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka Oo Ka Furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 12, 2017 – Maanta oo Isniin ah waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxaana ka qeybgalaya wasiirada maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa wada shaqeyn iyo iskaashi dhexmara wasaaradaha maaliyadda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxaa Shirkan furey wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle, waxaana uu ka hadlay ulajeedka shirkana iyo ahmiyadda uu leeyahay.

Bayle ayaa sheegay in waqtigii uu xilka wasaaradda maaliyadda hayey ay suurtagashay in ay ku guuleystaan bixinta kharashaadka dowladda sida mushaarka shaqaalaha dowadda, ciidamada iyo sidoo kale lacagaha lagu wado howlaha shaqo ee xafiisyada dowladda.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay xoogga saartay kordhinta dhakhliga soo gala dowladda waxbadanna ay taasi uga qabsoomeen.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalaya in ay saaran tahay mas’uuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

Wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada ayaa iyana dhankooda ka hadli doona shirkan, soona gudbin doona qaabka ugu sahan ee sare loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka, waxaana gabagabda shirkan la filayaa in lasoo saaro war-murtiyeed.

shir-kobcinta-dhaqaalaha-2 shir-kobcinta-dhaqaalaha-1 shir-kobcinta-dhaqaalaha-3 shir-kobcinta-dhaqaalaha-4 shir-kobcinta-dhaqaalaha-5

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment