2829 Views

Al Shabaab Oo Madaafic Ku Garaacay Deegaanka Biya-Cadde

Al Shabaab Oo Madaafic Ku Garaacay Deegaanka  Biya-Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Tiro Madaafiic ah ayaa waxaa xalay Al-Shabaab ay ku garaaceen deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Madaafiicdaan oo aan weli tiradeeda la cadeyn ayaa waxa ay ku dhacday deegaanka Biy-Cadde,sida ay Qaranimo.com  u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in madaafiicda ka dib Ciidamada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ee deegaanka Biyo-Cadde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay mudo Saacad ka badan.

Weli macada khasaaraha ka dhashay Weerarka Madaafiicda ah iyo dagaalka xalay deegaanka Biya-Cadde ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo dhinac ah iyo Al-Shabaab waxana tani ay walwal iyo cabsi ku abuurtay dadka ku nool deegaankaas.

Ugu dambeen weli waxaanan ka hadlin Maamulka deegaankaas ee dowladda Soomaaliya iyo waliba Al-Shabaab dagaalkii ka dhacay deegaanka Biya-Cadde ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment