3330 Views

Dhagayso:-Gudoomiyaha Thabit Oo Ka Hadlay Howlgalka Xasilinta Amniga Muqdisho

Dhagayso:-Gudoomiyaha Thabit Oo Ka Hadlay Howlgalka Xasilinta Amniga Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017—Ciidamada isku dhafka ah ee xasilinta magaalada Muqdisho ayaa howlgallo joogto ah ka wada caasimadda Muqdisho gaar ahaan isgoysyada iyagoo mid mid ubaaraya gaadiidka raaxada iyo kuwa dadweynaha.

Howlgalka ay ciidamada xasilinta wadaan ayaa u muuqda mid sii xoogeysanayay 24kii saacadood ee la soo dhaafay madaama lagu jiro maalmo intabadan ay Alshabaab ku soo beegi jireen weearardooda.

Ciidamada Xasilinta ayaa markii ay baaritaanka ku guda jiraan ula macaamilaya dadka si asluubeysan iyaga oo hubinaya dadka saaran iyo hadii ay jiraan hub ama qarax lagu dhex qariyay gaadiidka ay baarayaan.

Halkan Ka d Dhagsyo

Ciidamadan oo qaarkood ay afka u duuban yihiin ayaa  xira wadooyinka waaweyn e magaalada iyadoo baaritaan iyo joojin ku sameeya gadaiidka, waxaana la arkaa iyagoo xilligada habeenkii howlgal ku jira.

Maalaayiinta soomaliyeed eek u dhaqan Muqdisho ayaa intooda badan bogaadiyay howlgalka xasilinta xcaasimada inkastoo ay hada suulagayaan marka baaritaanka socdo sida ay wadooyinka isugu xirmaan maadama dadka ay yihiin danleey.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in laga gaaray dantii laga lahaa howlgalka xasilinta amniga Muqdisho.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment