3048 Views

Dowlada Mareykanka Oo Xoojinaysa Dagaalada Lagula Jiro Al-Shabaab

Dowlada Mareykanka Oo Xoojinaysa Dagaalada Lagula Jiro Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Safiirka Mareykanka ee Soomaliya Ambassador Stephen Schwartz, ayaa sheegay In Dowladda Mareykanka ay Soomaliya ka caawin doonto sidii ay ugu guuleysan laheyd dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.

Stephen Schwartz, ayaa tilmaamay in haatan guulo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab, islamarkaana ay ku sugan yihiin meelo yar oo Soomaliya kamid ah,islamarka sanadaha soo socda dalka laga saari doono dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

“Dadaal xoogan ayaan ugu jirnaa sidii aan u xakameyn laheyn falalka Al-shabaab  ay ka wadaan Sooomaaliya iyo weliba Bariga Africa, waxaan ku dadaaleynaa sidii aan u dhisi laheyn ciidan awood leh islamarkaana aan u qalabeyn laheyn, Si ay u difaacan dadka Soomaaliya iyo dalkoodaba taa oo ah waajibka saaran ciidanka qaranka ee dowlada Soomaaliya, dhanka kalana ay garab istaagaan ciidamada AMISOM oo mudo taban sano ah dalka Soomaaliya u jooga sidii ay u xasilini lahaayeen dalka”, Ambassador Stephen Schwartz.

Sidoo kale Safiirka Soomaliya ee dalka Ambassador Stephen Schwartz, ayaa sheegay in Dowladda mareykanka ay Soomaliya ka caawin doono sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegaan goobaha ay ka baxayaan sanadka 2018-ka Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment