2511 Views

R/Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Daah Furay Shirweyne Qaran

R/Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Daah Furay Shirweyne Qaran
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furtay Shirweye Qaran oo ah dib u heshiisiin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed , waxaana looga hadlaya sida ugu wanaagsan ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya Bulshadda Soomaaliyeed.

Waxaa Shirkaan horay u iclaamiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya , waxaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guulleed, Wasiirada maamul goboleedyadda u qaabilsan Arrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay doonayaan in lasoo Afjaro colaada saameynta ku yeelatay Bulshada Soomaaliyeed.

 

1 02 03

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment