2508 Views

Shacabka Magalada Baydhabo Oo Amaro Horleh Lagu Soorogay

Shacabka Magalada Baydhabo Oo Amaro Horleh Lagu Soorogay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/Raxmaan ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale dhanka Nabadgelyada.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka iyo maamulka ay ka wada Shaqeeyaan amniga iyo dib u dhiska islamarkaana Maamulka uu furi doono Goobo lagu aruuiyo Dhaqaalo dib loogu soo celinaayo Bilicdii ay laheyd degmada Baydhabo.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in Shacbka looga baahan yahay in ay garab istaagaan Maamulkooda islamarkaana aysan waxba ka sugin dad kale.

Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/Raxmaan xili uu kulan la qaatay Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo isagoo kala hadlayay arimaha amniga iyo Bilicda Magaalada.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment