2343 Views

Urur goboleedka IGAD oo ergey cusub u soo magacawday dalka Soomaaliya

Urur goboleedka IGAD oo ergey cusub u soo magacawday dalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017—–baba lagu qabtay ayaa go’aamadii lagu gaaray waxaa ka mid ah in ergey cusub loo magacaabo wadanka Soomaaliya.

Wakiilka cusub u soo magacaabatay Soomaaliya sida lagu xusay Warmurtiyeedkii kasoo baxay ururkaasi ayaa ah Dr Maxamed Cali Guyo, waxaana uu xilkaas kala wareegay Maxamed Cabdi Afeey.

Magacaabista ayaa timid ka dib markii Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Wakiilkii u qaabilsan IGAD Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ay u magacowday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa waddamada IGAD ay ergay gaar ah u magacaabeen arimaha dalka Suudaanta Koonfureed, waxaana ergayga cusub lagu magacaabaa Ismaaciil Wacays. Ergayga cusub ayaa hadda ah La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment