2991 Views

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Urur Goboleedka IGAD, Oo La Soo Gaba Gabeeyay

War Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Urur Goboleedka IGAD, Oo La Soo Gaba Gabeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa  lagu soo gaba gabeeyay Shir ay la haayeen Madaxda Urur Goboleedka IGAD,kaas oo isla shalay ka furmay dalkaasi Itoobiya.

Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya u metelayay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay,waxaana shirkaas ka soo baxay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Wadanka Sudanta Koonfureed.

Ilaa 24 Qodob ayaa Madaxdii ka qeyb gashay shirkaas ay ka soo saareen waxaana ugu mihiim sanaa.

1: in la qaado talaabo deg deg ah taas oo gurmad loogu sameynayo dadka ay saameeyeen dagaalada ee ku nool dalka Sudanta Koonfureed.

2: Baaq loo diray Kooxaha Mucaaradka taas oo ku aadan in ay qaataan xabad joojin rasmi ah islamarkaana ay u hoggaansamaan Warkii ka soo baxay Madaxweynaha dalkaas.

Masuuliyiintii ka qeyb gashay shirkaas ayaa dhamaantood waxa ay sheegeen in ay muhim tahay in ilgaar ah lagu hayo dhibaatada ka taagan Sudanta Koonfureed taas oo ay dhibaato ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee dushooda lagu dagaalamay.

Sanadii 20106 Bishii Jun ayaa waxaa heshiis wada gaaray hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas iyo Reik Machar, iyo Madaxweynaha sudanta Koonfureed Salva Kiir balse uu markii dambe burburay.

 

 

1 2 3 4 5

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment