3366 Views

Wasiir Bayle “Caalamka oo Soomaaliya aan lacago ku aaminin”

Wasiir Bayle “Caalamka oo Soomaaliya aan lacago ku aaminin”
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017——Wasiirka Wasaarada Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Caalamka Soomaaliya aysan ku aamineyn lacago caddaan ah iyo Maamulida Mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya Barnaamijyadaasi Mashaariicda ah loo Maamulo.

Waxa uu sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ka shaqeyneyso Maamul wanaagsan iyo sidii Soomaaliya loogu aamini lahaa lacagaha Cadaank ah.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado Xatooyada iyo Masuq Maasuqa si Caalamka ay u aaminaan Soomaaliya oo Mashaariicyada ay dad Soomaaliyeed u maamulaan.

Wasiirka Maaliyada ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay gaari doonto mar ay isku filan tahay oo aysan Caalamka wax ugu baahneyn.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu shalay ka furay Muqdisho shir loogu hadlayo Kobcinta dhaqaalaha iyo mideynta Canshuuraha, waxaana shirkaasi ka qeyb galay Wasaarada Maaliyada iyo Wasiirada Maaliyada ee Maamul goboleedyada Dalka ka jira.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment