3123 Views

Sawirada:- Wasiirka Amniga iyo xubno wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda

Sawirada:- Wasiirka Amniga iyo xubno wasiiro ah oo xalay kormeeray baraha ciidamada ee ku yaala caasimadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 13, 2017— Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kormeer howleed ku tegay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada xasilinta amniga caasimadda, waxaana wafdiga hogaaminayay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Kormeerka ayey mas’uuliyiinta ku tageen baraha koontaroolada ee laga soo galo caasimadda iyo kuwa kale ee yaala faras magaalaha Muqdisho.

Ugu horeyn qaar ka mid ah saraakiishii iyo askartii ku sugnaa koontaroolada ay kormeereen Wasiirada ayaa mas’uuliyinta uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha lagu xaqiijinayo Nabadgelyada Caasimadda

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalka ay ku tegeen baraha ay ku suganyihiin ciidamada ay tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa ciidamada ku shaqada leh xaqiijinta Nabadgelyada caasimadda.

1 2 3 4

,

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment