2883 Views

Daawo Sawirada :- Maxkamad Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabagabaysay dhagaysiga dacwadii loohaysatay dadkii ka danbeeyey dilkii wasiir Siraaji

Daawo Sawirada :- Maxkamad Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabagabaysay dhagaysiga dacwadii loohaysatay dadkii ka danbeeyey dilkii wasiir Siraaji
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwad la xariirtay Dilkii Allaha Unaxariiste Marxuum X wasiir/xildhibaan Cabaas Cabdullaahi Sh. Siraaji.

03-May sanadkan ayaa mid kamid ah ilaala la socotay hanti-dhowrihii guud ee qaranka Dr Nuur faarax uu sababsaday inuu galaafto nolosha Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sh Siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha guud kana tirsanaa baar-lamaanka Soomaaliya.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalbaka sida ayaa horey u dalbaday in xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo la xiriira kiiska, waxa ayna Maxkamadda horkeeneen Muuqaalo lagu duubay ” CCTV”, Sawirro , qiraalo , qoraal cadaynaya inta uu soo maray kiiskan baaristiisa iyo heerarkii 1-aad iyo 2-aad ee dhageysiga dacwadda maanta la soo gaba-gabeeyay qeybteedii 3-aad.

Saraakiil ka socoday hey’adaha baariska booliiska ayaa ka hor aqriyay garsoorka cadeymo ay la socdeen muuqaal iyo sawirro kuwaasi oo muujinayay kiiska dambiga ah sida uu u dhacay.

xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku eedeysay 1.D/le xoogga, Axmed C/laahi caydiid in uu ahaa shakhsiga ka dambeyay dilka wasiirka iyadoo ay aqbaleen qaraanada difaacayay eedeysanaha halka sidoo kale ay isku raaceen labada dhinac ee dacwada in eedda lagala noqdo askarigii kale S/Alifle Cusmaan Salaad Barre ee la saarnaa gaariga kaas oo loo qaatay in ka noqdo eedda markhaati marka loo fiiriyo kaalinta uu ku lahaa kiiska, arrinta ay isku diidan-yihiin laba dhinac ayaa ah in ay wax ka badasho xeer ilaalinta qodobka dacwada ah oo ay ka dhigeen ku tala gal halka qaraanada ay ku doodayeen in kiiska aanu aheyn kutala gal balse uu ah mid ku dhacay qalad.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyn la soo gaba-gabeeyay kiiskan, garsoorkana aya ka soo saari doonaan xukunka kama dambeysta ah sida ugu dhaqsiyaha badan.

Allaha Unaxariiste Marxuum wasiir/xildhibaan cabaas Cabdullaahi Sh siraaji ayaa u geeriyooday xabad uu ku dhuftay mid kamid ah ilaalada hanti dhowrihii guud ee qaranka kaasi oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed C/laahi ceydiid.

001 3 5 11 12

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment