2640 Views

Dhismaha xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Maanta la dhagax dhigay

Dhismaha xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo Maanta  la dhagax dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub uu yeelan doono xarunta Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay dhismaha xaruntan in ay ka caawinayso Galmudug Hay’adda UNDP oo mashaariic kala duwan ka fulin doonta Galmudug.

Wuxuu sheegay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday inay tahay arrinta ku aadan dhagax dhigida xarunta cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi dhagax dhiga waxaa ku wehlinayay wasiir ku xigeenka Howlaha Guud ee Galmudug Axmed Ilkacase.

Galmudug oo hadda yeelatay Madaxweyne cusub ayaa la filayaa inay ka bilowdaan mashaariic kala duwan oo dan ugu jirta dadka iyo deegaanka.

1 2 3 4

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment