3057 Views

Sacuudiga oo ugu hanjabay Soomaaliya in aysan Xajin doonin hadii aysan Xariirka u jarin Qadar

Sacuudiga oo ugu hanjabay Soomaaliya in aysan Xajin doonin hadii aysan Xariirka u jarin Qadar
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017— Jariidada Lemond ee kasoo baxda dalka Faransiiska ayaa daabacday iyadoo ay si socoto isku day lagu balaarinayo go’doominta dalka Qatar,Sacuudiga ayaa bilaabay cadaadis xoogan uu saarayo tiro kamid ah dowladaha Africa si ay xiriirka ugu jiraan dowladda Qatar,waxyaabaha ay adeegsan doonto waxaa kamid ah adkeenta helitaanka Visaha gudashada Xajka.

Jariidada waxa ay leedahay Dowladda Sacuudiga ayaa qaadeyso laba talaabo oo kala ah in ay dowladaha aan wali Qatar xirirka u jarin ay kala noqoto taageradii Maaliyadeed ay siin jireen iyo hanjaabad ku aadan in aysan heli doonin dalka ku galka wadankaasi si shacabka wadamadasi uga qeyb qaatan munaasabaha Xajka ama Cumrada.

Wadamada badan ayaa u hogaansamay Cadaaadiska dowladda Sacuudiga balse waxaa jira wadamo Afrikaan ah oo ku adkeestay inay dhex dhexaadiyaan labada dal ee Sacuudiga iyo Qatar,waxaana kamid ah wadamadasi Soomaaliya,Sudan,Maroko,Aljeeriya iyo Tunisia.

Soomaliya oo ergo u dirtay Sacudiga ayaan la soo kulmin soo dhaweyntii loo baahna waxana lala kulansiiyo Wasiiradii Soomaaliya xubno agaasimayaal ah marki Dowladda Madaxweyne Farmaajo go’aan cad ah ay iska taagtay khilaafka Khaliijka.

Saraakiil muhiim ah ayaa laga soo xiganaya in Nidaamka Villa Somalia ay iska diideen 80Million oo doolarka Mareykanka oo xirirka loogu jarayo Dowladda Qatar in kastoo saraakisha Madaxtooyada ayyan ka hadlin arimahaasi waxana xusid mudan in ergay ka socda Boqorka Sacuudiga uu soo gaaray si lama filaan Soomaaliya balse uu ku hungoobay damaciisa.

Carada ay ka qaaden isbahaysiga Sacuudiga e Xrirka u jaray Qarar go’aankii Soomaaliya waxa durba muujisatay dowladda Imaaradka oo dalkeedi kasoo ceerisay Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa tartamayasha tartan quraan aqris ah oo ka socday dalka Imaaradka.

Waxaanan la ogeyn sida ay dowladda Sacuudiga isku qabad siin doonto in siyaasadeedi ka dhanka ah Qatar ay uga faaideyso in mid kamid ah tiirarka islaamka ugu muhiimsan ee Xajka laga hos istaago wadamo diiday in  Sacuudiga u quduucan.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada diyaar garowga ugu jira Soon qaadka kadib in ay u baxaan Sacudiga si ay Xajka u soo gutaan.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment