3720 Views

Sawiro :-Dab xooggan oo ka kacay Dhismaha Grenfell Tower

Sawiro :-Dab xooggan oo ka kacay Dhismaha Grenfell Tower
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—Dab xooggan goor dhow  qabsaday dhisme ku yaalla magaalada London, dad goobjoogeyaal ah ayaa waxa ay sheegeen in ay dad ku xanniban yihiin guryahooda.

45 gawaarida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay “mid wayn”.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaaray lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

 

555 556 557

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment