2691 Views

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo Maanta kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS oo Maanta  kulan wadatashi ah ku qabatay Puntland.
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 14, 2017—–Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin katirsan dawlad goboleedka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka.

“Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.

p1 p2 p3 p4

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment