2808 Views

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Puntland

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo la kulmay Gudoonka Baarlamaanka Puntland
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | June 14, 2017 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Gudoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Gudoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo.

“Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland.

xoosh-puntland-barlaman-5 xoosh-puntland-barlaman-3 xoosh-puntland-barlaman-2 xoosh-puntland-barlaman-1 xoosh-puntland-barlaman-4

.

.

____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment