5421 Views

15.000 oo macalimiin iyo shaqaale Turki ah oo shaqadii laga eryay

15.000 oo macalimiin iyo shaqaale Turki ah oo shaqadii laga eryay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 19, 2016: Tiro ka badan 15,0000 oo isugu jira macalimiin iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha waxbarashada dalka Turkiga ayaa shaqadii laga eryey sababo la xiriira afgambigii dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalka Dalkaas.

Wasaarada Waxbarashada dalka Turkiga ,ayaa ku eedeysay shaqaalahan inay xiriir la leeyihiin Shekha musaafuriska ku jooga dalka Maraykanka, Fethullah Gulen kaasoo ay dowlada Turkiga ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambigii jimcihii la soo dhaafay fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo uu Gulen beeniyay inuu ka dambeeyay Falkaas.

Wararka kale duwan ee ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in guddiga waxbarashada sare ee Turkiga uu amray in shaqada laga joojiyo illaa iyo 1,500 oo ah hormuudyada jaamacadaha dalka Turkiga.Ra’iisal wasaaraha Turkiga Binali Yildririm ayaa ku hanjabay in uu tallaabo adag ka qaadi doono dadka taageera wadaadka Gulen.

“Waan ka xumahay in ay tan dhacdo balse ururkan oo la mid ah ururada argagaxisada marnaba kuma yeelan doonaan dalkeena xarumo shaqeeya,”ayuu yiri Mr Yildirim oo u waramayay wakaalada wararka ee Reuters.
“Xididada ayaan u siibaynaa si uusan ururkan argagaxisada ah u qaldin bulshadeena markale.”ayuu sii raaciyay Ra’iisal wasaaraha Turkiga.

Ciidamada milatariga, Booliska, garsoorayaasha maxkamadaha iyo shaqaalaha rayidka ah ayaa la bartilmaameedsaday kadib afgambigi dhicisoobay ee Jimcihii ka dhacay dalka Turkiga. Askar tiradooda lagu sheegay inay gaareyso 6,000 ayaa la xirey iyadoo inkabadan labaaatameeyo jeneralo ah ay sugayaan maxkamad. Sidoo kale sagaal kun oo ah ciidamada Booliska ayaa shaqadii laga eryey waxaana xayiraad lagu soo rogay illaa saddex kun oo xaakimiinta maxkamadaha ah.

Wararka ka imaanaya Turkiga, ayaa waxa ay intaa ku darayaan in laga eryay shaqaale gaaraya 250 xafiiska ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga. Hay’ada u qaabilsan sharciyada warbaahinta dalka Turkiga ayaa ruqsada kala noqotay illaa iyo 24 idaacadood iyo kanaalo TV ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay gacan saar la lahaayeen ninka lagu magacaabo Gulen ee ku nool dalka Maraykanka.

Jamciyada Qurumaha ka dhexeysa ayaa ugu baaqday dowlada Turkiga inay ilaaliso sharciga ayna dhowrto xuquuqda aadanaha marka ay ka jawaabeyso afgambiga fashilmay.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment