3912 Views

Daawo Sawirada:-Khasaaraha ka dhashay weerarkii Xalay Kay Dhacay Muqdisho

Daawo Sawirada:-Khasaaraha ka dhashay weerarkii  Xalay Kay Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 15, 2017—Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay in la soo afjaray hawlgalkii saacadaha badan qaatay ee lagula dagaalamaayay xubno ka tirsanaa Shabaab, kuwaasi oo weerar abaabulan ku qaaday Maqaaxida Pizza House ee Degmada Hodan.

Xaaladda hadda waa ay dagan tahay mana la maqlaayo rasaas iyo dhawaqa qoryaha waaweyn oo tan iyo xalay ciidamada ammaanka ay ridayeen, waxaana goobta buux dhaafiyay ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka.

Dhismaha Maqaaxida Pizza House ayaa laga soo saarayaa hadda meydad badan oo dad ah, kuwaasi oo intii dagaalka uu socday meydkooda meesha uu yaalay, maadaama raggii Shabaabka ahaa ay toogteen dadkaasi.

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegaya inay gacanta ku hayaan ammaanka xarunta Pizza House iyo Hotelka Posh Treats oo ka soo horjeeda isla maqaayada Pizza House ee weerarka xoogan xalay fiidkii lagu qaaday.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Axmed Carab oo warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa sheegay weerarkan in ay ku dhinteen 18 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 19 Qof oo kale.

Gaadiidka ambalaaska ayaa qaaday ku dhawaad 30 ruux oo dhaawacyo kala duwan uu ka soo gaaray weerarka, waxaana la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho ku yaalla, halkaasi oo lagu dabiibaayo.

 

S/Q:-Bashiir Barre Ali 

 

 

01 11 77 88 99 4444 6666 7722 kkkjjj

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment