3579 Views

Dhagayso+Sawiro:-Dowlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Dhagayso+Sawiro:-Dowlada Soomaliya Oo Ka Hadashay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 15, 2017—Laamaha ammaanka Dowladda Federalka Soomaaliya, ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Koox ka tirsanaa Shabaab xalay fiidkii ay ku qaadeen Hotelka Pizza House oo ku yaal Degmada Hodan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) ayaa Warbaahinta u sheegay tirada dhimashada dadka inay gaarayaan 18 ruux oo shacab ah oo mid ka mid ah uu yahay ruux Ajnabi ah.

Sayid Carab ayaa sheegay dadka la dilay inay ku jireen 7 Gabdhood oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka weerarka ay ku qaadeen Ururka Al Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa sheegay dhaawaca dadka shacabka ah soo gaaray inay gaarayaan illaa 19 ruux, waxa uu sheegay inaysan jirin cid dowladda ka tirsan oo halkaasi joogtay ama bartilaameedka uu ahaa, balse Shabaab ay bartilmaamedsanayeen dadka rayidka ah.

Waxa uu sheegay Afhayeenka dadka shacabka ah in laga doonaayo inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaab, maadaama Shabaab ay u bareereen inay beegsadaan goobaha dadka rayidka ah isugu imaanayaan.

Halkan Ka Dhagayso 

Ma uusan sheegin afhayeenka tirada ragga weerarka soo qaaday ee Shabaabka ka tirsanaa, iyadoo dadka ay isweydiinayaan tirada dagaalyahanada Shabaabka ee weerarka soo qaaday, balse Warbaahinta ayaa hadal haysa 7 illaa 5 ruux inay ahaayeen.

 

 

oo2 pp1 pp3 pp4 pp5 pp7 pp10 pp12 pp13

pp14 pp15 pp16 pp17 pp19

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment