2247 Views

Dhagayso:-Wasiirka Arimaha Gudah Soomaliya Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedka Kasoconaya Hiiran

Dhagayso:-Wasiirka Arimaha Gudah Soomaliya Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleedka Kasoconaya Hiiran
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 16, 2017—Cabdi Faarax Juxa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada ka dhacaya Gobolada Hiiraan.

Wasiirka ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobolka Hiiraan islamarkaana ah dhinacyada dagaalamaya ay nabada qaataan.

Waxa uu sheegay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo dagaalka, waxa uu sheegay in Wasaarada Arrimaha gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii dadka walaalaha ee Gobolka Hiiraan ku dagaalamaya loo heshiisiin lahaa.

Maamulka HirShabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan joojinta dagaalka iyo isku soo dhaweynta beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Maalmihii dambe ayaa dagaal u dhaxeeya labo beelood waxa uu ku dhexmarayay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baaq loogu diray beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

Halkan Ka Dhagayso 

 

0001 000002

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment