2994 Views

Maxaa Saaka Ka Cusub Baydhabo ee Gobolka Baay ?

Maxaa Saaka Ka Cusub Baydhabo ee Gobolka Baay ?
____________________________________________________________________________
 Muqdisho  | QOL | June 17 , 2017 – Ciidamada Ammaanka Baydhabo ayaa gacanta kusoo dhigay Saddex nin oo magaalada Baydhabo ku dilay Sheekh Maxamed Deyr oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada.

Ka dib howlgal Magaalada Baydhabo ay ka sameeyeen Ciidamada Ammaanka ayay gacanta kusoo dhigeen raggaasi oo dil Masaajid ugu dhex geystay Sheekh habeen Hore.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in Raggaasi Sharciga la horkeeni doono.

Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen nin ka mid ahaa Saddexda nin ee dilka geysatay, waxaana intaasi ka dib ninkaasi oo ciidamada u farmuuqay halka ay joogaan labada kale, iyadoona lagu guuleystay in lasoo qabto.

Bilihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Baydhabo waxaa ka socday dilal qorsheysan oo loo geysanayay Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo dooratay.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment