2433 Views

Al shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Buula Barde

Al shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Buula Barde
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18. 20117—–Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay Weerar culus ku qaadeen Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay Saldhiga Ciidamada dowladda Jabuuti ee ku yaalla duleedka Magaalada Buuloburde.

Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Saldhigga Ciidamada Jabuuti ,islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Sida ay sheegeen dadka degaanka Al-Shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray Saldhiga, waxaana ay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Jabuuti.

Isgaarsiinta oo Magaalada ka maqan, ayaanan si dhab ah loo ogaan karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalka saaka Shabaab ay ku qaadeen Magaalada Buulo burde

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment