2466 Views

Dhagayso:- Dowlada Norway oo aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya

Dhagayso:- Dowlada Norway oo aqoonsatay Baasaboorka diblomaasiga ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18. 20117— Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda Norway ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan midka Diblomaasiyiinta.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa sheegay in Dowladda Norway ay aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Agaasime Koofi arrintan in ay tahay bilow fiican, sanadkana ay rajeynayaan in ay wax badan ka qaban doonaan arrinta la xiriirta Baasaboorka aqoonsigiisa.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dalalka Qaaradda Yurub kala hadlaysay sidii ay u aqoonsan lahaayeen Baasaboorka Soomaaliga.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment