2463 Views

Madaxweyne Farmaajo oo Shabaab ugu baaqay dib u heshiisiin

Madaxweyne Farmaajo oo Shabaab ugu baaqay dib u heshiisiin
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18, 2017 – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab in ay qaataan heshiis ,islamarkaana ay la hadlaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la hadasho Al-Shabaab si loo xaliyo dhibaatada ay wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu dagaalyahanada Al-Shabaab uu u sheegay in ay haboon tahay in aysan leyn shacabka hantidooduna aysan burburin.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in ay sameyn doonto tilaabo walbe oo lagu joojinaayo dhiiga Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay kusoo biiraan dowladda ,islamarkaana Qaraxyadda ay joojiyaa

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment