2535 Views

Madxweynaha Hirshabelle ka hadlay wax ka badelka Dastuurka

Madxweynaha Hirshabelle ka hadlay wax ka badelka Dastuurka
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18, 2017—– Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa sheegay in shaqo badan ay u baahan tahay wax ka badal in lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle.

Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in aysan sahlaneyn wax ka badalka Dastuurka isla markaana ay u baahan tahay waqti badan iyo dadaal dheeri ah.

Waxa uu sheegay in Xildhibaano dano gaar ah wata in ay doonayaan in ay bilaabaan qorshe wax loogu badalayo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle balse arrintaasi aysan suurta gal ahayn.

Waxa uu tilmaamay in Maamulka Hirshabeelle uusan la mid ahayn Maamulada kale ee dalka ka jira, loona baahan yahay sida uu sheegay in Xildhibaanada aysan ku dayan maamuladaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ay soo jeediyeen in wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka Maamulka Hirshabeelle.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment