2493 Views

Sawiro:- RW Khayre oo booqday isgoosyada Magalada Muqdisho

Sawiro:- RW Khayre oo booqday isgoosyada  Magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  18, 2017 – Ra’isul Wasaaraha  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa  degmooyinka uu xalay  kormeerka ku tagay waxaa ka mid ah Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada ee uu kula kulmay waddooyinkii uu kormeerka ku maray ra’iisul wasaaraha.

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Barkaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray.

1 2 3 4 5

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment