2319 Views

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay rag looga shakisanyahay in ay xiriir laleeyihiin argagixsada ka dagalanta Dunida

Booliska Kenya oo xabsiga dhigay rag looga shakisanyahay in ay xiriir laleeyihiin argagixsada ka dagalanta Dunida
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017— Booliska magaalo xeebeedka Mombaso ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay rag looga shakisanyahay in ay qorsheynayeen weeraro la damacsanaa in la geysto inta lagu guda jiro maalmaha dabaal-degga Ciida.

Ragga booliska ay gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in dodobaadkii hore weeraro ay qorsheynayeen la fashilayay.

Saddexda nin ee la tuhunsanyahay ayaa lagu kala magacaabaa, Yaxye Salim Bakari oo ah macalin, Julius Mwandenzi alias Zinde, Zebebwa, Ibras iyo Abdallah Ramadhan.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay in raggaasi ay kasoo baxsadeen magaalladda Mombaso balse looga daba tagay magaalladda Nairobi.

Sidoo kale nin lagu magacaabo Mohamed Anguzo, ayeey ciidamada ka qabteen magaalladda Narirobi.

Dhinaca kale 50 qof oo tuhmayaal ah ayaa ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in ay ku dhuumanayaan Nairobi.

“Waxaan warbixin ka helay sirdoonka KDF ee ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana howgallo laga fuliyay Mombasa balse mid kamid ah kooxihii la beegsaday ayaa baxsaday intaan howlaglka aan ku jirnay”, sidaasi saraakiisha Police Mombso ayaa sheegay.

80 qof ayaa ciidamada la dagaalanka Argagixisada ay ka xireen magaalladda Nairobi shalay oo Axad aheyd. Dadka la xiray ayaa waxaa ku jira 15 qof oo ajaanib ah.

Bishii April, ciidanka ATPU, ayaa gacanta ku dhigay Athman oo ahaa nin ay ciidamada si weyn u badigoobayeen.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment