2535 Views

Dhagayso:- Wasiirka Dastuurka oo eedayn kulul loojeedshay

Dhagayso:- Wasiirka Dastuurka oo eedayn kulul loojeedshay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017— Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa si kulul uga hadlay Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Socdaal uu Wasiirka Dastuurka Xoosh Jabriil uu ku tagay Magaalada Garowe.

Halkan Ka Dhgayso

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Wasiir Xoosh uu Faragelin ku sameeyay Dastuurka KMG Soomaaliya qaarna uu qalday,waxaana uu intaa ku daray Sanatar Faroole in Dastuurkaan horay dhib badan looga soo maray Shaqsiyaadna aysan waxba ka badali karin.

Sanatar faroole ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu Faraha kula jiro Shaqadii ay qaban lahaayeen Baarlamaanka Labada Gole islamarkaana uu hadda wado Marin Habaabin Bulshada lagu qaldayo.

..

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment