2625 Views

Maamulka Dagamada Balacad Oo Awaamiir Dul Dhigay Shacabka Dagmadaasi

Maamulka Dagamada Balacad Oo Awaamiir Dul Dhigay Shacabka Dagmadaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—–Gudoomiyaha Degmada Balcad Mudane Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa Waxaa uu  Kahadlay Arrimaha Amniga ee Degmadda Balcad iyo Xaalada ay ku sugan yihiin Shacabka ku Nool Degmadda Balcad,Waxa uu Guddoomiyaha ka Hadlay Howlgalada ay Ciidamada Amaanka Degmada Balcad Sameeyaan Xiliyada Habeenkii .

Gudoomiyaha ayaa Sheegay  In Howlagkan uu Yahay Mid Lagu Sugayo Amaanka Degmada Balcad Iyo Deegaanada Hoos yimaada Kaasoo uu Ka Arimiyo Maamulka Degmada Balcad.

Mar uu Ka Hadlaayay Dhalinyarada ay Soo Qabtaan Ciidamada Amaanka ee la Geeyo Saldhiga Degmada Balcad ayuu Sheegay In Qofkii Lagu Waayo Wax Danbi ah  Lasiideynayo Islamarkaana Iyada oo ay Damiin Ka Noqonayaan Waalidiintiisa Iyo Gudoomiye Waaxeedka Xaafada  uu degan yihiin.

Ugu Dambeyntii Gudoomiyaha ayaa Kula Dardaarmay  Shacabka Reer Balcad in ay soo diiwangeliyaan cid allaala cidii ku soo kororta Qoyskooda hadii laga waayana talaabo laga qaadi doono.

 

 

01 ooooo 700

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment