3126 Views

Madaxweynaha Gaas oo lacag ku wareejiyay guddiga Ku Howlan Dhismaha Garoonka Garoowe

Madaxweynaha Gaas oo lacag ku wareejiyay guddiga Ku Howlan Dhismaha Garoonka Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017— Xafladan uu Madaxwynaha Puntland ku wareejinayaay lacagtaani waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday  Golayaasha Maamulka Puntland Gudiyada Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo  wadada Ceel Daahir Ceerigaabo, maamulka Gobolka, isimo ,Culumo awdiin ,haween iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Duulsita hawada iyo Garoomada Puntland xassan xaaji Siciid oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa si kooban uga war bixiyay waxyaabaha ka dhiman Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee ay dowladu dhammaystirayso.

C/fataax maxamed Cabdi Kismayo oo ka mid ah Guddiga dhammaystirka Garoonka Garoowe waxa uu ka mahadceliyay Go’aanka Madaxwaynaha ee gabagabaynta Garoonka Garoowe isagoona bogaadiyay isku tashida shacab iyo maamul ee Puntland .

Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwayanah Puntland ayaa ku baaqay isku tashi bulsho isagoona Xusay in lacagta dhammaystirka Garoonka Garoowe dawladiisu bixinayso shacabkana looga baahan yahay ka qayb qadasho wadaniyadeed.

Wadaxayanah Puntland ayaa dhanka kale sicad u sheegay in ay muhiim u tahay shacabka iyo Maamulka Puntlanba dhammaystirka wadada Ceel Daahir Ceeri -Gaabo ayna door muuqda ka qaadan doonto Horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Puntland .

Gabagabadii xafladana Madaxwaynaha Puntland ayaa ku wareejiyay  Guddiyada dhammaytirka Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wada Ceel daahir Ceerigaabo jeeg lacageed oo dahn saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar..

0001 00002 00003 000004 0000005 000000000000006

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment