2592 Views

Madaxweyne Farmaajo oo damaanad qaaday nolosha carruurta agoonta ee Afgooye

Madaxweyne Farmaajo oo damaanad qaaday nolosha carruurta agoonta ee Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa ka faalad qaaday xanaaneynta carruurta agoonta ee ku jira xarun ku taalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Faadumo Axmed Jimcaale oo ah haweeneyda maamusha xarunta agoonta ee Afgooye, ayaa sheegtay in bur burkii kadib lagu guuleystay in dib loo howlgeliyo xarunta Agoonta ee Afgooye.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayuu Madaxweynaha u soo wakiishay in uu ku wareejiyo lacag loogu talagalay inay ku ciidaan carruurta agoonta oo ahayd Ex-xarunta agoonta gabdhaha ee Kacaan, waxaana canugiiba la siiyay $110 dollar.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka cadeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkasta”. ayuu yiri Cabdinuur.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Soomaaliya Xuseen Xasan Cismaan ayaa amaanay dhaqanka wanaagsan ee uu Madaxweynuhu sameeyay, maadaama uu damaanad qaaday nolosha agoonta degmada Afgooye.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment