3552 Views

Dhagayso:- Madixii amniyaadka ee Al-Shabaab ee Muqdisho oo gacanata lagu dhigay

Dhagayso:- Madixii amniyaadka ee Al-Shabaab ee Muqdisho oo gacanata lagu dhigay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017— Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Sarkaalkan Shabaabka ah ee la qabtay ayaa waxaa lagu magaacabaa C/waaxid Khaliif Axmed (Ciise Tarbuun), kaasi oo lagu qabtay suuqa Bakaaraha.

Halkan Ka Dhagayso

Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo bandhigi Sarkaalkan ka tirsanaa Shabaab ee magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Saraakiisha Ciidanka NISA ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkan, waxaana hada ku socota baaris.

Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaalla Bartamaha caasimadda.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment