2739 Views

Muslimiin ay Soomaali ku jirto oo London gaari lagu jiirsiiyay

Muslimiin ay Soomaali ku jirto oo  London  gaari lagu jiirsiiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Jiirsiin ah oo xalay ka dhacay Magaalada London.

Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaari la dulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shil ka dhacay agagaarka masaajidka degmada Finsbury Park.

Shilkan waxa uu ka dhacay Wadada Seven Sisters. Ciddamada booliska ayaana goobta ku sugan.

Tiro Soomaali ah oo Masjidka kasoo baxay ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Dadka dhacdadaasi ku waxyeeloobay ayaa la aamminsan yahay inay kasoo laabteen salaada tahajudka .

Adeega gawaarida gurmadka degdega ah ee London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ay u direen tiro ka mid ah shaqaalahooda caafimadka .

Muuqaal baraha bulshada lasoo gelliyay dhacdada kadib ayaa muujinaya argagaxa goobtaasi ka dhacay iyadoo dadka halkaasi ku dhawacmayna loo gurmaday.

 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment