2787 Views

Tiro Dad ah oo Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyooday Gobolka Galgaduud

Tiro Dad ah oo Gaajo iyo Haraad ugu Geeriyooday Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  19, 2017—Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku soo waramaya in Laba ruux oo ka mid ahaa dadka xoolo dhaqatada ah ay gaajo iyo haraad ugu dhinteen meel ku dhow degmada Cadaado ee maamulka Galmudug.

Deegaanka Balimaxbuub oo  qiyaastii 200-Km u jira magaalada Cadaado ayaa la sheegay inay labadaasi ruux ay ku geeriyoodeen, kadib saameyn ay ku yeelatay abaarta ka jirta gobolka Galgaduud.

Qoyskan oo xoolo dhaqato ahaa ayaa doonayey in dhul daaqsimeed ay ka raadiyaan deegaanada maamulka Puntland,  halkaas oo mudooyinkii danbe ay ka da’ayeen roobab dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Qaranimo,com uga warbixiyey xaalada abaareed ee ka jirta deegaanka oo uu sheegay in dhibaato dhinaca nolosha ah ay ka taagan tahay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in dadku gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan gobolka, islamarkaana eysan heysan wax ay cunaan iyo wax ay cabaan.

Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah meelaha ay sida weyn u saameysay abaarta ka jirta dalka, welina waxaa ka jira deegaanada qaar xaalado nololeed oo u baahan wax ka qabasho, si loo badbaadiyo nolosha dad badan oo halis ugu jira inay gaajo u geeriyoodaan.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment