2799 Views

Wasiir Xoosh oo xafiiskiisa shir kula yeeshay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka

Wasiir Xoosh oo xafiiskiisa shir kula yeeshay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 19, 2019 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiga.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh oo shirka ay ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah La taliyayaasha Wasaaradda ayaa u ballanqaaday Guddiga in ay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo Guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada Qof iyo Cod ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta Wasaaradda iyo Guddiga maadaama Geedi-socodka dib u eegsita Dastuurka ee ay Wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furayo gaarista doorasho Qof iyo Cod oo dalkeenna ka dhacda.

xoosh-qaabilay-3 xoosh-qaabilay-2 xoosh-qaabilay-4 xoosh-qaabilay-1

.

.

____________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment