2292 Views

Dowlada Mareykanka oo ka hadlay Weerarada Burcadbadeeda

Dowlada Mareykanka oo ka hadlay Weerarada Burcadbadeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  20, 2017— Xoghayaha arrimaha difaaca Maraykanka Jim Mattis ayaa sheegay in weerarada burcad badeeda ay dib ugu soo noqdeen gacanka cadan iyo biyaha soomaaliya bilihii ugu dambeeyay.

Waxa uu sheegay in ugu yaraan lix maraakiibta ganacsiga lagu af dhuubtay ama lagu weeraray waqooyiga  biyaha soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkaan.

Xoghayaha ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay dalka aan dariska nahay ee jabuuti,halkaasi uu Maraykanku ka habaysanaayo saldhig military oo joogto ah .

Waxa uu intaa ku daray  in ay yaraayeen weerarada ay Gaystaan kooxda burcad badeeda shanti sano  ee ugu danbaysay ka dib markii ay ka hortageen weeraradaa ciidamo caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda iyo shirkaddo gaar loo leeyahay

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment