3156 Views

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta degmada

Guddoomiyaha degmada Wadajir oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay xarunta degmada
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  20, 2017— Guddoomiyaha degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa goor dhow ku dhaawacmay qarax ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir, halkaasoo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay goob aad u mashquul badan oo ah Suuqa weyn ee degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay gudaha xarunta degmada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu geystay qofkii waday gaariga oo u suura gashay in gaarigii uu waday uu gudaha la galo, dabadeedna is qarxiyay.

Xarunta degmada ayaa ku dhow Suuqa weyn, waxaana qaraxan uu ku soo aaday xilli suuqa yahay mashquul, dad badan ay ka iibsanayaan dharkii ciida.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir Cumar C/llaahi Xasan ayaa ka mid ahaa Guddoomiyeyaashii bishii la soo dhaafay loo magacaabay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana uu dhowaan xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee degmadaas Axmed Cabdulle Afrax.

Ciidamo fara badan oo kuwa Ammaanka ah ayaa goobta gaaray, iyagoo xiray wadada, sidoo kale gaadiidka ambalaaska ayaa bilaabay qaadista dadkii ku waxyeeloobay qaraxa

Qaraxa ka dhacay xarunta degmada Wadajir ayaa ku soo aadaya, iyadoo ciidamada ammaanka ay adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho, iyagoo xiray waddooyin badan oo ka mid ah jid-cadayaasha mara xaafadaha.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment