2586 Views

Xilka qaadis maanta uu sameeyey Madaxweynaha Hirshabelle

Xilka qaadis maanta uu sameeyey Madaxweynaha Hirshabelle
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  20, 2017— Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaasoo xilkan hayay tan iyo horaantii sanadkan markii uu magacaabay Golihiisa wasiirada.

Xil ka qaadista ayaa lagu tilmaamay inay qeyb ka tahay qorshayaasha uu Maamulka Hirshabeelle ku doonayo inuu ku yeelanayo ilo dhaqaale.

Wasiirka cusub ee Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka qaadista Wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.

Maamulka Hirshabeelle oo la dhisay sanadkii la soo dhaafay ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay maamulada ugu fadhiidsan marka loo eego maamul goboleedyada kale, inkastoo uu maamul curdun yahay, hadana wasiirada tirada badan ee uu leeyahay maamulkaas ayaan ku shaqeyn magaalada Jowhar, iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa lagu wadaa inuu galabta u ambabaxo magaalada Muqdisho, halkaasoo muddo deegaan u aheyd, waxaa la sheegaa in tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha ay aad u yareyd joogistiisa Jowhar, isagoo inta ugu badan waqtigiisa ku qaaday magaalada Muqdisho.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, tan iyo markii uu ka soo tagay horaantii bishii May.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment