3390 Views

Fanaaniin caan ah oo soogaray Muqdisho

Fanaaniin caan ah oo soogaray Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  21, 2017— Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya waxaa maanta soo agaray qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed kuwas oo qorsheynaya in maalmaha ciida ay show ku qabtaan qeybo ka mid ah Gudaha gobolkaan Banaadir.

Fanaaniinta Muqdisho maanta soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah Axmed Holand iyo Cabdiwahaab Booska, iyada oo maalinta Berito ah sidoo kale la filayo in ay kuwo kale soo gaaraaan magaalada Muqdisho si iyana showgaas uga qeyb qaataan.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaardaha Magaalada muqdisho oo uu ugu horeeyay Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo Saxaafadda kula hadlay Tiyaatarka Muqdisho ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin fanaaniintaan inay soo gaaraan Muqdisho.

Wuxuu sheegay maalmaha farxada ciida inay kala qayb qaadan doonaan Bulshada, islamarkaana ay muujin doonaan in ammaanka Magaalada uu yahay mid la isku haleyn karo.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment