3801 Views

Sawiro :- Rag horay udilay shiiq caan ka ahaa Baydhabo oo maanta la xukumay

Sawiro :- Rag horay udilay shiiq caan ka ahaa Baydhabo oo maanta la xukumay
____________________________________________________________________________

Baydhabo  | QOL | June  21, 2017— Maxkamada Darajadda Kowaad ee Ciidamada Qalabkasida ee dalka ayaa u fadhiisatay Dhageysiga Dacwad ciqaabeed loo heystay Seddex eedeysano oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Amaanka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Seddexdan eedeysane ayaa loo heystaa in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab isla markaana ay dileen wadaad caan ka ahaa Magaalada Baydhabo xili uu ku tuganaayey Salaad Taraawiixda masjid ku yaalo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maxkamadeynta Eedeysaneyaashaan ayaa ahayd mid u furan dadweynaha waxaana goob joog ka ahaa garsooreyaasha maxkamada iyo abuukatayaasha u doodayey eedeysanayaasha iyo waliba ehelida Marxuumka la dilay.

Maxkamadda ayaa waxaa la horkeenay Marqaatiyaal dhowro ah oo ay ku jiraan ragii soo qabtay eedeysanayaashan iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hubkii lagu soo qabtay eedeysanayaasha oo ahaa laba bistoolad iyo hal bam gacmeed.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Kowaad ee Ciidamadda Qalabkasida ee Soomaaliya G/sare Xasan Nuur Cali Shuute ayaa shaaciyey in la dhameys tiray dhageysiga dacwada loo heysto seddexda eedeysane asaga oo sheegay in Go’aanka Maxkamadda Dib kasoo sheegi doonto.

NNNNNNNNSAAAAAAAAAAAAAAAAAASAAAAAAAAAS

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment