2418 Views

Dagalamayaal Katirsan Xogaag Al Shabaab Oo Gudah Ugalay Kenya

Dagalamayaal Katirsan Xogaag Al Shabaab Oo Gudah Ugalay Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  22, 2017—Sida ay shaaciyeen Ciidamada Booliska dalka Kenya tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanadaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka gudbeen xadka ay Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.

Warbaahinta gudaha dalka qaarkood oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Booliska ee ku sugan degaanada gobolka Waqooyi Bari ayaa waxa ay sheegeen in tiro ku dhow labaatan dagaallame ay ka gudbeen xadka ,islamarkaana ay u gudbiyeen dhanka dalka Kenya.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan xadka ayaa waxa ay sheegeen in ragga hubeysan oo ay aaminsan yihiin in ay ka tirsan yihiin Shabaab,  ay ku arkeen xadka ,islamarkaana ay waydiiyeen halka ay jooggaan Ciidamada dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer waxa ay ka gudbeen xadka ay wadaagaan labada dal waxaana ay weeraro ka geysteen degaano hoos yimaada gobolka waqooyi Bari.

Tuulooyinka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya Ciidamada Booliska ah ee joogga ayaa waxaa soo foodsaartay Cabsi aad u badan.

Dowladda Kenya dhawaan sheegtay in ay ka feejigan tahay Weeraro kaga yimaada Xarakada Al-Shabaab maalmaha Ciida.

 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment