2514 Views

Madaxweyne Putland oo Cafis u fidiyay Maxaabiis Ku Xirnaa Gudah Maamulkaasi

Madaxweyne Putland  oo Cafis u fidiyay Maxaabiis Ku Xirnaa Gudah Maamulkaasi
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  22, 2017—Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane  Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in Cafis loo fidiyay 119 Maxbuus,kuwaas oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Madaxweynaha Gaas ayaa sheegay in Maxaabiistaan Cafiska loogu fidiyay fadliga bisha barakeysan ramadaan owgeed.

Mudane Gaas  ayaa cafiskan sameeyay kaddib markii Guddi uu u saaaray in ay ka soo talo bixiyaan Maxaabiista Dambiyada yar yar ee cafiska lagu siideynayo Bisha Ramadaan darteed.

Waxaana guddigaas ay kormeer ay iyo qiimeyn ay ku sameeyeen xabsiyadda maamulka Puntland.

Guddiga ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay soo diyaariyeen liis loogu tala galay dadkaasi ,islamarkaana ay horgeeyeen Madaxweyne Cabdiwali uuna aqbalay.

Waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland in Maxaabiistan laga soo xulay Xabsiyada kala duwan ee dhamaan Magaalooyinka Puntland sida Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso

 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________ 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment