4368 Views

Dr. Cali Cusmaan: 23 June maalintii la aasaasay OLYMPIGADDA ADDUNKA.

Dr. Cali Cusmaan: 23 June maalintii la aasaasay OLYMPIGADDA ADDUNKA.
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA | QOL | June 23, 2017 – 23 June waxa addunyadda oo dhan looga dabaaldegaa maalintii udubadda loo taagay Olimpigadda addunka,boqolaalo qof oo isu jira dhalinyaro iyo waayeel ayaa hal mar dhaqaaqo si ay uga qeyb galaan ciyaaro kala duwan iyo bandhigyo dhaqameed oo lagu weyneynaayo maalintaas qadarinta mudan,waxa kaloo barbar socdo bandhigyo musiq,seminaaro aqooneyd iyo isu soo bax dadweyne qiireysan oo ku dhawaaqaayo halkudhigyo ku saleysan qiimaha Olimpigadda,waxaana dhacdooyinkaasi ay noqdeen kuwa fikradaha Olimpigadda kor u qaada,isla markaana laga xushmeeyo addunyadda afarteyda dacal.

Olympic Day waxay markii ugu horeysay soo shaac baxday sanadkuu markuu ahaa 1948 tartankii olimpigadda ee lagu qabtay magaaladda London,waxaana loo tiriyaa fikradeyda in uu lahaa Piere De Coupertin oo u dhashay dalka France,waxaana la isla gartay in sanad kastaba maalintaasi loo dabaaldego si loo dareemo ahmiyadda ay leedahay,waxayna maanta ay gaartay in ay sameyn wanagsan ku yeelato qeybaha kala duwan ee bulshadda taa oo ku saleysan 3 udub dhexaad oo kala ah MOVE, LEARN AND DISCOVER (Dhaqaaq, Baro iyo iqtiraac).

atlanta-heros

Markaan yare jaleecno taarikhda Olimpigadda waxay ka soo bilaabatay Dalka Griiga muddo hadda laga joogo qiyaas ahaan 7 qarni,waxaana ay Griiga u isticmaali jireen xagga nabadda iyo arrimaha diinta,waxaana ay ku guuleysteen inta ay Olimpigadda socdeen in dadka is dhexmaraan isla markaana dagaaladda la joojiyo,taa oo ay ku heleen qadarin illa maanta loo hayo.

Modern Olympics ama Olimpigadda casriga ah waxa isku taxaluxiyey Piere De Coupertin oo macalin ka ahaa dugsiga ku yaal Magaaladda Sorbonne ee dala Fransiiska isagoo maanta loo tiriyo in uu ahaa fikradii ka dambeysay in Olimpigadda Casriga ah ay cagaheeda isku taagto,isagoo diiradda saaray in la unko barnaamij aqooneyd oo hormariya maskaxda iyo jirka oo ay hore Griigii hore ugu jirtay barnaamijyadda Olimpigadda(MASKAX FIYOW AYUU KU JIRA JIR FIYOW).Sanadku markuu ahaa 1892 De Coupertin waxa uu warqaddo u kala diraya dawladaha kala ah BELGUIM, UK, FRANCE, GREECE, ITALY, RUSSIA, SPAIN, SWEDEN IYO USA isagoo u jeediyey figrada aheyd in la abaabulo tartanka Olimpigada taa ay isku raaceen dawladihii shirkii ugu horeeyey ka soo qeyb galay,waxaana uu soo jeediyey De Coupertin in tartanka ugu horeeyo lagu qabto dalka France ,laakiin waxa la isku raacay in la qabto dalka Griiga iyado lagu xushmeynaayo in ay fikradda asalkeeda ay iyado laheyd,waxaana 1894 tartankii olimpigadda ee ugu horeeyey lagu qabtay Dalka Griiga oo ah halka laga unkay fikradda saalaxa ah ee Olimpigadda,iyadoo halkudhig looga dhigay CITUIS, ALTUIS, FORTUIS oo ah ah dheereeyey,sareeya iyo xoogan,waxaana tartamadda olympigadda ay soo bilawdeyn sanadku markuu ahaa 1894 illa 2016 oo lagu qabtay Brazii,waxaana sanadku markuu gaaro 2020 lagu wajahan yahay dalka Japan oo diyaargarowgii durbaba bilawday.

atlanta-tsjc

Ugu dambeyntii waxaan halkaan hambalyo ugu dirayaa anigoo ka mid ah Olimpic Famaly saaxiibadda kala ah Edwin Moses,Tommy Smith,John Carlos,Kevin Young,Mike Spino iyo Ron Davis,waxaan kaloo halkaan hambalyo uga dirayaa asxaabtii Soomaaliyeed ee 50kii sano ee ugu dambeeyey aan ka soo wada shaqeyna horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed,waxa Iyana mudan in halkaan Hambalyo iyo Bogaadin loo jeediyo Ha’yadaha hogaaminta Isboortiga Soomaaliyeed oo runtii shaqo wanagsan qabteen iyadoo aan ku boorineyno in halkaa laga wad.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Atlanta, GA

___________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment