3576 Views

Askari Itoobiyaan Ah Oo Kufsaday Haweeneey 40 Jir Ah

Askari Itoobiyaan Ah Oo Kufsaday Haweeneey 40 Jir Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  24, 2017—Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baydhabo uu kufsaday Haweeney Da’ah oo ka mid ah dadka ku nool dhul Mii’ah oo ku yaalla duleedka Magaalada baydhabo.

Arintaan ayaa ka dhacday deegaanka Gasar ee Duleedka Magaalada Baydhabo sida uu Qaranimo.com u sheegay Maxamed Cali Nuur Aadan oo ah Adeerka Haweeneyda la kufsaday waxa uuna ka sheekeeyay qaabka ay wax u dhaceen waxa uuna yiri.

“Gabadha Xoolaley  ayey aheyd waxayna raadineysay Neef Geel ah oo ka maqan balse xili ay mareysay xerada ciidamada Itoobiya uu u yeeray mid ka mid ah ilaalada Xerada markii ay u tagtayna xoogaa lacag ah ayuu u dhiibay balse waa ay diiday intaas kadibna waa uu ku soo cararay ilaa 6  Beeynaad ayuu ku dhuftay waa uuna kufsaday ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay isagoo hadalkiisa siiwatay in ay aheyd qof Weyn oo dhashay todobo Caruur ah islamarkaana ay hada aheyd qof marwo ah laguna magacaabo Deyro Maxamed Cali islamarkaana uu Adeer u yahay.

Waxa uu sheegay in ay xiriir ay la sameeyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya balse masuuliyintaas aysan u sheegin war ay ku qancaan iyagoo ku wargeliyay in loo gudbin doono Hay’addaha UN,ka.

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment