3099 Views

Gudoomiyah Gobalka Banadir Oo Ka Hadalay Qaraxyada Muqdisho Ka Dhaca

Gudoomiyah Gobalka Banadir Oo Ka Hadalay Qaraxyada Muqdisho Ka Dhaca
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  24, 2017—–Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in aysan u dulqaadaneynin falalka lidiga ku ah dhanka amniga oo Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Mudane Thaabita ayaa soo hadal qaaday Qaraxyadii ugu dambeeyay Shabaab ay ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan Qaraxyadii xarunta degmada Wadajir iyo kii saldhiga degmada Waaberi.

Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay arrimahaasi oo idil in ay yihiin kuwo aanan loo dulqaadan karin, si deg deg ahna wax looga qabanyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ka xun yahay dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi, qorshaha maamulka gobolka Banaadirna uu yahay in si deg deg ah looga jawaabo ficilada nuucaasi ah.

Al-shabaab ayau mudo Saddex maalmood gudahooda waxa ay laba Qarax ka geysteen magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada Dowladda Federaalka ay xireen jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay ku micneeyeen sugidda amniga.

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment