2709 Views

Maamulka KgG Oo Ka Hadalay Ka Saarista Liiska Arga Gaxisada Shiiq Mansuur Rooboow

Maamulka KgG  Oo Ka Hadalay Ka Saarista Liiska Arga Gaxisada Shiiq Mansuur Rooboow
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  24, 2017—-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in Liiska Argagixisada laga saaray Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa ku-xigeenkii hogaamiyahii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, isaga oo dhinaca kale mar soo noqday afhayeenkii Al-Shabaab.

Hadaba Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu deeagan ahaan ka soo jeedo sidee ayuu u arkaa hadalka ka soo baxay dowladda Mareykanka halkeesa uu ku sugan yahay xiligaan Sheekh Muqtaar rooboow Cali Abuu Mansuur waxaa Su’aalaahaas iyo kuwo kale ka jawaabaya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed Wasiirka warfaafinta K/Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Xafiis Wareedaka Qaranimo.com

Ugaas ayaa sheegay in Muqtaar rooboow uu ka mid yahay dadka qunyar socodka ah ama dhex dhexaadka ah ee ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana lagu xasuusto in uu qabtay masuuliyin ka tirsan dowladda dibna xuriyadooda u siiyay.

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment