9720 Views

DAAWO: Caddaalad xumada ka jirta garsoorka Soomaaliya

DAAWO: Caddaalad xumada ka jirta garsoorka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Toronto | QOL | 28 06 2017 | Daawo dhibaatada ka taagan garsoorka Soomaaliya, waxaa video-gaan ku jira waraysiyo uu Cawil Daahir la yeelanayo dadkii laga soo daayay Xabsiga kuwaasoo lacago aad u yar sida 30 Dollar uu nin dhalin yaro ah u xirnaa 2 sanno in ka badan ama 100 dollar ku qaatay xabsi dheer, iyadoo dadkaasi ay yihiin dadka Soomaalidu ku sheegto looma ooyaanka.

Waxaa kaloo halkaan ka cad in Baarlamaanka Soomaaliya uusan qaban shaqadii loo igmaday ee ahayd la xisaabtanka hay’adaha fulinta ee maamulladii hore ama ay dowladihii hore kala shaqeeyaan dhimaha Garsoorka dalka, halka ay ku mashquulsanaayeen ridid Xukuumado iyo Mooshino ay daynta isaga dhiibaan, iyadoo sida aan xusuusano gudigii Garsoorka ugu danbeeyay uu kala diray 2014 maamulkii Damuljadiid maantana uusan jirin guddi garsoor oo shaqeeynaya.

Xagee lagu qoray Sharciga sheegaya in nin Wasiir dilayna la yiraahdo beel wayn buu ka dhashay ee sidee loo xukumi karaa, nina 70 dollar 5 Sanno ka badan Xarig ku muteeysto !

DAAWO MUUQAALKAAN QAASATAN QAYBAHA UGU DANBEEYA OO AY KA SHEEKEEYNAYAAN MAXAABIISTAASI LACAGAHA AY XABSIYADA DHEER KU QAATEEN !

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment