3015 Views

Ciidamo Gurmad ah oo loo diray Abuu Mansuur

Ciidamo Gurmad ah oo loo diray Abuu Mansuur
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June  30, 2017— Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya, ayaa u dhaqaaqay halka uu Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur kaga sugan yahay Gobolka Bakool.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa Qaranimo.com u sheegay Gurmad Ciidamo ah in ay u direen degaanka Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu kaga sugan yahay Gobolka Bakool, si ay uga soo badbaadiyan gacanta Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen ujeedkoodu in uu yahay in Mukhtaar Roobow Cali ka badbaadiyan Ururka Al-Shabaab, oo sida la sheegay hareereeyay halka uu wadaadkaasi kaga sugan yahay Abal.

Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa la sheegay inay gaareen Deegaanka Baano oo qiyaastii 8-KM u jirta Deegaanka Abal, oo ah halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Cali.

Mareykanka, ayaa dib ula noqday abaalmarin lacageed oo dhan Shan Milyan oo lacagta Mareykanka ah, oo la siin lahaa cidii keenta war iyo wacaal lagu soo qaban karo amaba lagu qaarajin karo Abuu Mansuur. Go’aanka uu Mareykanku qaatay waxay ku soo aadaysaa, xilli sida la sheegay uu ninkaasi wada hadalo la bilaabay Dowladda Federaalka.

.

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment