4239 Views

Farmaajo Oo Fariin Culus U Diray Maamulka SoomaliLand

Farmaajo Oo Fariin Culus U Diray Maamulka SoomaliLand
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | July  01, 2017—Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo sidoo  kale maamulka Somaliland.

Mudane Farmaajo ayaa ballan qaaday in la mideyn doono umadda Soomaaliyeed , isagoona ay sheegay in dowladda Soomaaliya door muhiim ah ay ka cayaari doonto isku keenida Shacabka Soomaaliyeed si gaara Koonfurta iyo gobolada Waqooyi.

Dhawaan ayuu sheegay  Madaxweyne Farmaajo in wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay dib u bilaaban doonaan.

Hadalkaan ayuu Madaxweyne Farmaajo uu xalay ka sheegay munaasabad loogu dabaaldagaayay 1- Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho.

Tan iyo markii la yagleelay dowladda uu hoggaamiyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa hakad ku yimid wadahadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment